Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Isgoyska Ex-control Balcad Ee Muqdisho

Qarax la sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Isgoyska Ex-control Balcad ee magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxan lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamada AMISOM oo halkaasi marayey, inkastoo khasaaraha halkaasi ka dhashay weli la ogaan.

Waxaa mar qura la maqlay dhawaqa xooggan ee qaraxa, waxaana qaraxa kadib ay dadku sheegeen inay maqleen rasaas dhacday.

Al-shabaab ayaa baraha Internetka ku leeyihiin waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaasi.

Taliska ciidanka AMISOM weli wax war ah kama aanu soo saarin qaraxan lala eegtay kolonyada AMISOM.

Goobjoog News

Related Articles

7 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW