U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo, J/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Fariisin ay ciidamada ammaanka Jubbaland ku lahayeen magaaladaasi ayaa lasoo sheegayaa in lagu tuuray Bam gacmeed sababay dhaawaca Hal askari.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ciidamada Jubbaland ee halkaasi ku sugnaa ay rasaas badan rideen, wallow aan lasoo sheegin waxyeello ka dhalatay rasaastaasi.

Waxaa goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay Bamgacmeedka, iyadoo saakay ciidamada ay xaafadaha Kismaayo ka wadaan howlgallo.

Saraakiisha ammaanka Kismaayo weli wax war ah kama aaney soo saarin qaraxan ka dhacay magaaladaasi, hase ahaatee Kismaayo marar badan sidan oo kale waxaa uga dhacay qaraxyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News