U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare geystay oo ka dhacay xaafadda Jamhuuriye degmada kaaraan ee gobalka Banaadir, waxaana qaraasi ka soo baxaya warar kala duwan.

Sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, inkastoo qaraxa uusan haleelin gaarigaasi waxaana khasaare kala duwan uu soo gaaray dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay qaraxa waxaana sidoo kale goobta ku bur buray mootooyinka loo yaqaan bajaajka.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo bilaabay baaritaano kala duwan waxaana la sheegay in ciidamadii halkaasi gaaray ay muddo kooban ridayeen rasaas.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan inkastoo weerarada nuucaan ah looga bartay inay sheegtaan dagaalamayaasha Al shabaab.

Goobjoog News