U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax ayaa saakay ka dhacay meel ku dhow taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaari nooca raaxada ah, islaamrkaana ay la socdeen dad shacab ah ayaa la sheegay in qaraxan uu ka dhex dhacay.

Qofkii waday gaarigaasi ayaa goobta ku dhintey, waxaana ku dhaawacmay Saddex qof oo ay ku jiraan qofka dhintey hooyadiis, walaalkiis iyo haweeney shaah ku iibineysay wadada dhinaceeda.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa sameeyey baaritaanno, waxaana dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday xarun caafimaad.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News