U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Deegaanka Moqokori Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Qarax Miino oo khasaare geystay ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan, iyadoo faah faahin ay ka bixiyeen saraakiisha dowladda ee ku sugan deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay Laba qof oo shacab ah, iyadoo ku dhawaad Shan kale ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baladweyne, maadaama Moqokori aanay lahayn goobo caafimaad.

Taliyaha ciidamada Milatariga ee degmada Maxaas Muumin Maxamed Saney oo ku sugan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in qaraxan lala eegtay goob ay dhalinyaro badan ku sugnaayeen.

Waxa uu tilmaamay Taliyaha in qaraxaan uu ahaa mid lasoo farsameeyay oo la’isku soo xir xiray, lana soo dhigay meesha ay dadka ku sugnaayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Deegaanka Moqokori ee gobalka Hiiraan ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, halkaasi oo muddo badan ay maamulayeen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News