U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Lala Eegtay Askar Ka Tirsan Dowladda

Sheeko:Amniga

Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhaw askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya lagula eegtay agagaarka warshada Al naciim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxa ay haleeshay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana askartaasi soo gaaray khasaare kala duwan.

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dad ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa iyo seddex askari halka 4 kalane ay ku dhaawacmeen, waxaana la soo warinayaa in gaariga uu isaguna gubtay.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna bilaabeen howlgallo kala duwan.

Wadada xiriirisa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa qaraxyo lagula eegtaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News