U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Qaraxii Maanta Ka Dhacay Nawaaxiga KM-4 Oo Lagu Dilay Wasiir Hore

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay nawaaxiga Ishoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay inuu ku xirnaa gaari uu saarnaa Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo mar soo noqday wasiirkii difaaca Soomaaliya sidoo kalena haatan ahaa gudoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulan.

Cabdiqaadir Barnaamij oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in marxuumka gaarigiisa loogu xiray walxaha qarxa, islamarkaana uu ahaa shaqsi waxbadan soo qabtay.

“Allaha u naxariisto guddoomiyaha waxaa uu u dhintay qarax maanta gaarigiisa loogu xiray, waxaa la isoo gaarsiiyay qabarkiisa geerida aniga oo ku sugan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaan ka wada shirnay markii aynu kala tageynay maanta qaban qaabada xafladda xisbiga, wuxuuna ahaa nin aad noogu qaali ah, tacsi tiiraanyo leh ayaana ka dirayaa” ayuu yiri guddoomiye C/qaadir Barnaamij.

Sidoo kale gudoomiye Barnaamij ayaa sheegay in ka xisbi ahaan aanay cabsi gelin doonin dilka Maxamed Xaaji Ibraahim, waxaana uu ku baaqay in cadaaladda la horkeeno cid walba oo dilkaasi ka dambeysa.

Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa wasiirkii difaaca ka noqday xukuumaddii uu hogaaminayay Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Goobjoog News