U bood dhigaalka

Faah faahin: Qasaare xoogan oo ka dhashay dagaal beeleed ka socda Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa sii xoogeystay dagaal beeleed ka socda deegaan ku yaala gobalka Mudug, ka dib markii beelo halkaasi dega ay ku dagaalameen dhul daaqsin iyo sidoo kale godad cusbada laga qodo.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkaan, waxaana wararka ay sheegayaan in dadkaan dhintay ay ka kala tirsanaayeen dhinacyada dagaalama.

Dhaawacyada ka dhashay dagaaladaan waxaa loo kala daabulayaa degmooyinka kala ah Xarardheere iy Cadaado, iyadoo ilaa hadda dagaalka aanu joogsan.

Qasaaraha ayaa intaan kasii badan karo, maxaa yeelay weli dagaalka waa mid socda, iyadoo hadda la wado dadaalo la doonayo in dagaalka lagu damiyo.

Warkaan wixii kusoo kordha la soco

Goobjoog News