U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qof Ka Tirsanaa Ergadii Soo Dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa xalay fiidkii waxay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dileen mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo galay deegaan doorashada K/galbeed.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabayey Xasan Cali Ibraahim, waxaana dilkiisa uu dhacay xilli uu kasoo baxay salaadda taraawiixda.

Dad ku sugnaa halka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in raggii dilkaasi ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen.

Dhanka kale, halka dilka uu ka dhacay waxa gaaray ciidamada ammaanka oo howlgallo ka sameeyey.

Dhacdo kale, waxaa degmada Howl-wadaag lagu dilay guddoomiye waaxeed lagu magacaabo Xasan Maxamed Nuur Jabloos, ninkan oo madax ka ahaa waaxda Sakhawadiin ayaa lagu dilay Shanta-geed, kooxdii dishay waa baxsatay.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo batay magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramada.

Goobjoog News