U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Qof Rayid Ah Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Koox Hubaysan ayaa Xalay Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen Qof Rayid ah, halkaas oo markii dambe ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dilkan waxa uu ka dhacay  Suuqa  Kalluunka lagu iibiyo ee Xaafada Via Liberia , ilaa iyo hadana lama Ogaan sababta qofkaan loo dilay.

Dadka degaanka ayaa ku waramay in  goobta dilka uu ka dhacay , laga maqlayay  rasaas teel teel ah, taas oo aan la sheegin in ay ahayd  iska hor imaad  iyo in kale.

Dhanka kale maamulka degmada Waaberi oo aynu xiriir la sameennay si aynu dilka wax badan uga weydiinno ayaan inoo suurta gelin.

Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa kusoo laab laabtay dilalka qorsheesan, xilli amniga magaalada aanu cago badan ku fadhin maalmahan dambe.

Goobjoog News