U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Degmada Baardheere

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistooldo ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Bardheere ee gobolka Gedo ku dileen qof la sheegay inuu kamid ah dadka deegaanka.

Qofka la dilay ayaa magaciisa naloogu sheegay Xuseen Ilyaas, waxaana raggii dilka ka dambeeyay ay ka baxsadeen halkii ay wax ku dileen.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ninkaan la dilay uu u shaqeynayey ururka bisha Cas, walow aan faah faahin intaan ka badan laga bixin.

Ciidamada ammaanka oo garay halka dilka uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Dilalka qorsheysan ayaa sidan oo kale waxay uga dhacaan degmada Bardheere, waxaana horey degmadaasi loogu dilay dad kala duwan.

Goobjoog News