U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa koox hubeeysan oo habeenkii xalay ahaa dil ugu geeystay qof shacab ah  halka loo yaqaano beerta jaadka ee u dhexeysa Banaadir iyo Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dilka kadib Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xasilinta Xamar oo halkaa gaaray ayaa bilaabay in howlgal ay ka sameeyaan goobta dilka loogu geeystay marxuumka geeriyooday.

Waxaa la xaqiijiyay inta uu howlgalka socday in ay jiraan dad badan oo howlgalkaasi lagu soo qabtay, lama oga ilaa iyo hadda in la sii daayay iyo in kale, walow ay jireen dhallinyaro isla goobta lagu soo qabtay oo dib loo sii daayay.

Shaqsiga dilka loo geeystay  oo magaciisa lagu soo koobay Madaxeey ayaa la xaqiijiyay inuu ka gacansan jiray kala iibinta Taleefannada Gacanta ah ,lama oga sababaha rasmiga ah ee dilkiisa ka danbeeysay.

Kooxda dilka geeystay ayaan ilaa hada gacanta lagu soo dhigin, waxaana la xaqiijiyay in goobta dilka ay ka geeysteen ay isaga baxsadeen.

Laamaha ammaanka weli kama aysan hadlin dilkii xalay ka dhacay halka loo yaqaano Beerta Jaadka ee magaalada Muqdisho iyo howlgalkii dadka badan lagu soo qabtay.

Goobjoog News