U bood dhigaalka

Faah Faahin: Rag Walaalo Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Nin hubeysan oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan wuxuu ku dilay Saddex nin oo walaalo ah.

Ragga la dilay ayaa Labo ka mid ah waxay walaalo, halka midka kalena uu Ilmo adeer la ahaa, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Askarigan ayaa raggan ugu galay hoygooda, waxaana la sheegay inuu rasaas ku furay, kadibna sidaasi ay ku dhinteen.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in maalmihii ugu dambeeyey askarigan oo qudhiisa qaraabo la ahaa ragga uu dilay uu ka dhaxeeyay muran dhuleed.

Ninkii dilka ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo hay’adaha ammaankana ay ku raad joogaan.

Maamulka degmada Kaaraan weli wax faah faahin ah kama aanu bixin dhacdadan.

Goobjoog News