U bood dhigaalka

Faah Faahin: Saddex Qof Oo Lagu Dilay Shabellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil loo geystay Saddex wiil oo dhallinyaro ah, wuxuuna dilkaasi ka dhacay baadiyaha deegaanka Caliyaale oo ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dhallinyaradan ayaa waxaa dilay rag hubeysan, waxaana ay kala degeen gaari ay la socdeen xilli ay ka yimaadeen xaflad aroos.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in raggan loo dilay aano dhanka qabiilka ah, mana jirto wax faah faahin arrintan uu ka bixiyey maamulka gobolka Shabellaha Dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News