U bood dhigaalka

Faah faahin: Shan Qof Oo Ku Geeriyootey Gaari Lagu Rasaaseeyey Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari nooca loo yaqaan Homey oo dabley hubeysan ku rasaaseeyeen deegaanka Boos Dacaar oo ku dhow degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Maleeshiyaad hubeysan oo illaa hadda aan la sheegin waxa ay ahaayeen ayaa gaarigaan rasaas badan ku furay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho u badan.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay 5 qof oo Afar ka mid ah ahaayeen rag ilmo Adeerro ah, waxaana ku dhaawacmay darawalkii gaariga.

Goobta falkaan uu ka dhacay waxaa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinka Sh/dhexe qaarkood sida guddoomiyeyaasha Warsheekh iyo Balcad.

Waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo ay wadaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo maleeshiyadii weerarkaasi fulisayna ay goobta isaga baxsatay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News