U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Shilal Ka Dhacay Degmada Jowhar Iyo Dad Waxyeelo Kasoo Gaartay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharMaamulka Isbitaalka INTERSOS  ee magaalada Jowhar ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda caafimaad dad waxyeelo kasoo gaartay shilal ka dhacay degmadaasi.

Buundada kala qeybisa xaafadaha Horseed iyo Kulmis ee degmada Jowhar waxaa shalay ka dhacay shil gaari, ka dib markii gaari nooca xamuulka ah, uu ku dhacay dad halkaasi marayay, waxaana ku dhimatay Haweeneey Buundada Mareysay, waxaana waxyeelo kasoo gaartay Laba Wiil oo iyada la socday.

Laba Wiil ayaa la sheegay in Wabiga ay ku dhaceen, midna la helay halka midka kalena ilaa iyo xilligaan la la yahay.

Dhanka kale Qoys ku dhaqan degmada Jowhar ayaa maqribnimadii xalay waxaa kusoo dumay Darbi ay hoos fadhiyeen, waxaana halkaasi ku dhintay Canug Yar oo Todoba Bil Jira Halka dhaawac uu kasoo gaaray Canug kale iyo Hooyadood.

Hadaba dhaqaatiirta Isbitaalka INTERSOS yaa sheegay dhamaan dadkii dhaawaca ahaa ee halkaasi la keenay in xaaladooda tahay mid aad u wanaagsan, ayna wadaan dadaalada lagu daweynayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News