U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Soomaali Kasoo Carartay Dagaallada Yemen Oo Boosaaso Soo Gaartay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, gaar ahaan dekadda magaaladaasi waxaa kusoo xiratay doon ay saarnaayeen qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Tirada dadka maanta soo gaaray magaalada Boosaaso waxaa lagu sheegay 1,723 (Kun Todoba Boqol Seddax Iyo Labaatan) qof, waxaana dadkaasi ay isugu jiraan 763 (Todobo Boqol Seddax iyo Lixdan) oo caruur ah, 581 (Shan Boqol Kow iyo Sideedan) oo dumar ah iyo sidoo kale 379 (Seddax Boqol Sagaal iyo Todobaadan) oo rag ah.

Dadkaan ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso, waxaana soo dhaweyntooda ka qeybqaatay maamulka gobalka Bari iyo kan magaalada Boosaaso.

Dadkaan ayaa doonidii waday waxa ay kasoo amba baxday Dekadda Mukalla ee dalka Yemen, iyadoo dadkaan ay ka muuqato xaalad aad u daran.

Dadkaan qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka ku sugan dalka Yemen ay haysato xaalad adag oo ay ugu soo horeyso raashiin la’aan.

Sidoo kale waxaa jira dad aan haysan qarashaad ay kusoo baxaan, xilli maanta ay bilaabatay Shan Maalin Xabad joojin ah oo ay ku dhawaaqeen xulufada Sacuudiga.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada.

Qax16 Qax15 Qax14 Qax13 Qax12 Qax11 Qax10 Qax9 Qax8 Qax7 Qax6 Qax5 Qax4 Qax3 Qax2 Qax1

Goobjoog News