U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ugu Yaraan Afar Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Garbaharey, Gedo

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku geeriyootay qarax miino oo xalay ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Qaraxani miino ayaa ka dhacay meel ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla Garbahaarey halkaas oo mar qura laga war helay qaran .

Saraakiisha magaalada ayaa xaqiijiyay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay qaraxani, waxaana soconaya howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda oo ku aadan sidii loo soo qaban lahaa ciddii ka dambeysay.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase ahaatee qaraxyo sidaan oo kale uga gobolka Gedo iyo gobollo kale oo dalka ah waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News