U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Maanta Booqday Buuloburde, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, waxaana ka mid ahaa wafdigan Wasiirka amniga Gudaha C/risaaq C/risaaq Cumar Maxamed.

Ugu Horeen wafdigan waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka Degmada Buuloburde, saraakiisha ciidanka xoogga dalka, AMISOM iyo sidoo kale shacab aad u badan.

Waxay socdaal kusoo mareen xaafado ka tirsan degmada Buuloburde si ay ugu kuurgalaan xaaladda amni iyo tan nololeed ee halkaasi ka jirta.

Sidoo kale xubnahan ayaa la kulmay waxgaradka ku dhaqan degmada Buuloburde oo ay ka xog wareysteen xaaladda degmadaasi.

Dhinaca kale wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa dhegax dhigay madaxtooyada maamulka Sh/dhexe iyo Hiiraan loo dhisayo.

Degmada Buuloburde ayaa noqoneysa caasimadda maamulka cusub ee Sh/dhexe iyo Hiiraan kaasi oo gogoshiisa ay taallo degmada Jowhar.

Goobjoog News