U bood dhigaalka

Faah faahin: Weerar Ismiidaamin Iyo Dagaal Toos Ah Oo Lagu Qaaday Maqaayad Ku Taalla Xeebta Liido

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay nawaaxiga xeebta Liido ee Muqdisho iyo weerar toos ah oo lagu qaaday mid ka mid ah Maqaayadaha ku yaalla halkaasi.

Gaari la sheegay inuu ismiidaamin ahaa ayaa ku qarxay bannaanka hore ee maqaayadda Banaadir Beach waxaana la sheegay in intaasi kadib ay rag hubeysan gudaha u galeen maqaayaddaasi.

Wararku waxay sheegayaan in kahor qaraxa la maqlay rasaas la sheegay in ciidanka amniga ee halkaasi ku sugnaa ku rideen gaariga, balse gaariga uu si qarxiyey.

Ciidamada dowladda oo gaaray maqaayadda Banaadir Beach ayaa la sheegayaa inay ku guuleysteen in inta badan shacabkii ku haray gudaha maqaayaddaasi ay bannaanka usoo saaraan, welina lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Gudaha maqaayadda waxaa laga maqlayaa rasaas ay is weydaarsanayaan ciidamada amniga iyo sidoo kale dableyda hubeysan ee gudaha u galay maqaayadda.

Maqaayadda la weeraray ee Banaadir Beach ayaa ah meel habeen walbo aad u mashquul badan, waxaana isugu taga dhallinyarada ku dhaqan Muqdisho qaarkood.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa ku sugan halkaasi kuwaa oo daabulaya dadka waxyeellada ay kasoo gaartay weerarkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News