U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Codka Kalsoonida Ah Siiyay Ra’iisul Waaare Cumar Cabdirashiid (Sawiro)

Sheeko:Dalka

DSC_1043Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad ah waxa ay codka kalsoonida u siiyeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Kulanka xildhibaanada ee maanta waxaa soo xaadiray 224 mudane, iyadoo codka loo qaadayay qaab gacan taag ah, waxaana halkaasi  joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha cusub iyo gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Abuukaate Caydiid C/laahi Ilka-Xanaf.

Ugu horeyn waxaa halkaasi hadal ka jeediyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari taasi oo uu kaga hadlay shaqooyinka horyaala Baarlamaanka, khilaafyadii jiray, waxa hadda looga baahan yahay dowladda Federaalk, fariimo ay usoo direen qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed iyo arimo kale.

Intaasi ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay Khudbad horudhac ahayd, taas oo xildhibaanada uu kaga dalbaday arimo badan oo ay ka mid tahay in shaqooyinka hadda ay hayaan ay waqti dheeraad ah ku darsadaan si loo buuxiyo waqtiyadii ka lumay, isaga oo sidoo kale ka dalbaday in ay codka kalsoonida ah siiyaan Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Waxaa sidoo kale hadal kooban la siiyay Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu sheegay in shaqooyin badan ay yaalaan, hadii codka uu helana uu doonayo in uu soo dhiso xukuumad dalka gaarsiisa hiigsiga 2016.

Khudbadda Ra’iisul wasaaraha markii ay dhamaatay waxaa si toos ah loo bilaabay codeyntii kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha, waxaana ay ahayd qaab gacan taag ah.

Xildhibaanada oo ka koobnaa 224, ayaa Lix ka mid ah banaanka ay u baxeen xilligii codeynta waxaana codka kalsoonida ah siiyay Ra’iisul wasaaraha 218, mudane 6-dii xildhibaan ee banaanka ku maqnaa waxaa loo xisaabiyay aamusnaa, halka aanay jirin xildhibaano diiday.

Intaasi ka dib waxaa la guda galay dhaarintii Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Ilka-xanaf.

Gaba gabadii waxaa codbaahiyaha loogu yeeray Ra’iisul wasaaraha dalka, waxaana halkaasi uga mahad celiyay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, iyo madaxweynaha dalka, waxaana uu sheegay in xukuumada uu soo dhisi doono ay noqoneyso mid dalka wax badan ka qabata.

Madaxweynaha oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu la dar daarmay Ra’iisul wasaaraha cusub oo xilligaan ay hortaalo shaqooyin aad u badan.

Halkaan Hoose ka daawo sawirada.

DSC_0936

DSC_0963

DSC_0968

DSC_0985

DSC_0989

DSC_0992

DSC_0993

DSC_0993DSC_1002

DSC_1019

DSC_1043

DSC_1055DSC_1057

Goobjoog News.