U bood dhigaalka

Faah-faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Ku Dhex Maray

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka koonfur galbeed ayaa sheegaya in gudaha magaalada dagaal saacado qaatay uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubna ka mid ah Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo ay ku lahaayeen ciidamada dowladda, taas oo markii dambe keentay in dagaalka uu muddo saacado ah ka socdo xaafadda.

Saraakiisha ciidamada dowladda Baydhabo ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxihi weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay laba wiil oo walaala ah kana mid ah dadka shacabka ayaa dhaawac ka soo gaaray dagaalka, ma jirto cid si rasmi ah u faahfaahinsay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Goobjoog News