U bood dhigaalka

Faah-Faahinno Ka Soo Baxayo Israsaaseyn Ciidamada Puntland Ku Dhex Martay Garowe

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay gudaha magaalada Israsaaseyn ay ku dhex martay ciidamo ilaalo u ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo ciidamada Taraafikada.

Israsaaseynta ayaa timid kadib markii ciidamada taraafikada ay xareeyeen baabuur uu lahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Inta la xaqiijiyay is rasaaseynta oo ku dhawaad saacad socotay ayaa waxaa ku dhaawacmay Hal askari.

Maamulka Puntland iyo kan magaalada Garowe weli kama aysan hadlin shaqaaqada ka dhacday afaafka hore ee hoyga baarlamaanka Puntland oo u halka uu tagan yahay Axmed Karaadh.

Goobjoog News