U bood dhigaalka

Faah Faahino Dheeraad Oo ka Soo Baxaya Qarax Xalay Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay Maqaayadda Luul Yamani ee degmada Xamar Jajab.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayadda.

Wararka aan ka heleyno goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa shegaya in uu ka dhashay qasaaro kala duwan , ayna jiraan sidoo kale dhismayaal goobta ka ag dhawaa oo burburay.

Dhanka kale Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinten 10 qof halka 30 kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Sikastaba qaraxa ayaa ku soo aday xilli dowladda ay ciidamo fara badan ku soo daadisay waddooyinka Caasimadda.