Faah Fahin:- Ciidamo Kala Taabacsan Puntland Iyo Galmudug Oo Isku Rasaaseeyay Gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda ay caadi kusoo laabatay ka dib markii maanta halkaasi ay is rasaaseen ku dhex martay ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland.

Lama sheegin is rasaaseentii maanta khasaare ka dhalatay, balse waxay sababtay in hakad uu galo isku socodka iyo ganacsiga bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Israsaaseyntani ayaa u dhaxaysa maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana ay timid markii ay adeegyo ganacsi ay is hor istaag ku sameeyeen maleeshiyaadka Puntland.

Masuuliyiinta Galmudug iyo Puntland ayaa weli ka hadlin arrintani, waxaana wariyayaasheena ku sugan magaalada Gaalkacyo ay soo sheegayaan in xaaladda ay caawa tahay mid deggan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW