U bood dhigaalka

Faahfaahin: 2 Qof oo Midi Turki Yahay oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Jidka Afgooye

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay wadda Afgooye gaar ahaan Kaamamka Saddex Buurood oo ah inta u dhaxeysa Calamada iyo Xaawo Cabdi.

Ilo caafimaadka  ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in khasaaraha uu gaaray dhimashada  Labo qof oo mid uu Turki yahay halka ay ku dhaawacmeen 4 qof oo saddex Turki yihiin.

Qaraxa kadib, waxaa meydka iyo dhaawacaba la geeyey Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagu tacaalayo dhaawacyada.

Ilaa hadda cidna ma sheegan qaraxan, ku dhowwaad 10 qarax ayaa la sheegaya iney ka dhaceen waddadaas 4-tii sano ee ugu dambeysay.

Gooboog News