U bood dhigaalka

Faahfaahin: Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay habeenkii xalay ahaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay, in howlgalkaan ay ciidamadu ku baarayeen guryaha ku yaalla xaafadda Siigaale ee degmada Hodon iyo qayb ka mid ah xaafadda Taleex.

Waxaa howlgalkaan lagu soo qabtay dad u badan dhallinyaro, kuwaasi oo meel fagaare ah la isugu keenay si baaritaan loo sameeyo, wallow markii dambe badankoodii  la sii daayey.

Saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Hodon weli wax faahfaahin ah kama aanay bixin howlgalkaan.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe xoojiyey howlgallada ay amniga ku xaqiijinayaan, kadib qaraxyo ka dhacay magaalada Todobaad ka hor.

Goobjoog News