U bood dhigaalka

Faahfaahin: Ciidamo Kawada Tirsan Dowladda Federaalka Ah oo Xalay Ku Dagaalamay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa dagaal xalay ciidan kawada tirsan dowladda federaalka ah ku dhexmaray magaalada Muqdisho kaas oo la tilmaamay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamo boolis ah iyo kuwo mileteri ah ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan waxaana sababta ka dambeysay dagaalkaasi ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada ciidan ay isku qabteen qaad si qarsoodi ah magaalada loo soo geliyo kaas oo sida la sheegay u socday ciidanka mileteriga ah balse xogta warkaas ay heleen booliska sidaasina uu dagaalku ku dhexmaray labadaasi ciidan.

Sidoo kale warar kale ayaa tibaaxaya in labada ciidan uu isfahamwaa soo kala dhexgalay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen 4 askari halka ay jiraan dhaawacyo aan la xaqiijin tiradooda waxaana sidoo kale dadka deegaanka ay intaas ku dareen in dagaalku uu socday muddo ku dhow saacad.

Xaaladda goobihii xalay lagu dagaalamay ayaa saakay ah mid degan waxaana dadka deegaanka ay wali ka cabsi qabaan in dagaal kale uu halkaasi ka qarxo maadaama markasta qaad si qarsoodi ah halkaasi loo soo galsho kaas oo u yimaada mileteriga ku sugan xaafadda Soonakey ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho waxaa caadi ka ah in ciidamo kawada tirsan dowladda uu dhexmaro dagaal toos ah oo sababa khasaare kala duwan kaas oo waxyeelada ugu badan u geysta dadka rayidka ah.

Goobjoog News