U bood dhigaalka

Faahfaahin: Dagaal AMISOM Iyo Alshabaab Ku Dhexmaray Deegaanka Golweyn

Sheeko:Amniga

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa jidka u galay kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Golweyn ee u dhow deegaanka Buula mareer kaasi oo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi gaari looga gubay Coodamada AMISOM.

Dagaalka u dhaxeeyay labada dhinac ayaa si aad ah waxaa looga Maqlayay deegaannada u dhow dhow Golweyn waxaa ayna sheegeen dadka deegaanka in dagaalka uu markii dambe ku ku fiday dhanka dulka Baadiyaha.

Goobjoog News