U bood dhigaalka

Faahfaahin: Dagaal Ka Dhacay Gobolka Gedo

Sheeko:Amniga

Dagaalka ayaa billowday markii ciidamada Kenya oo ku safrayay gaadiidka gaashaaman ay weerar gaadmo ah kala kulmeen Alshabaab.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay maqlayeen rasaas ka dhacaysa inta u dhaxeeysa Faafaxdhuun iyo Garileey oo Gedo ka tirsan.

“Dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray ciidamada oo socda, waxaana ciidamada Kenya ay iska caabiyeen weerarkaasi” sidaas waxaa yiri ilwareedyo Gedo ku sugan.

Saraakiisha Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa wali wax faahfaahin ah ka bixin weerarkaasi.

Inta badan waxaa dhacda in markii ciidamada ay ku socdaalayaan wadooyinka isku xira magaalooyinka ay la kulmaan weerarro ama qaraxyo.

Goobjoog News