U bood dhigaalka

Faahfaahin Dheeraad ah: Diyaaraddii Daallo Airline ee Dabku Qabsaday

Sheeko:Dalka

Diyaaradda Airbus 321 ee Daallo Airline ayaa dab qabsadayayaa ka dib markii ay shan daqiiqo hawada ku jirtey, diyaaraddan ayaa markii hore ka timid Sacuudiga, iyadoo soo martay dalka Djabuti,, waxaa ay dalka keentay 212 qof oo tarxiil u badan.

Diyaaradda ayaa gagida Muqdisho cagaha ka qaaday 11:36 Subaxnimo iyadoo ku sii jeeda dalka Djabuti, waxaa saarnaa 74 rakaab ah, 70 ka mid ah rakaabkaas waxaay ahaayeen rakaabkii diyaaradda Turkish Airline oo shalay iyo maanta baaqatay.

Wararka ayaa sheegaya in Turkish Airways u baaqatay sababo la xiriira cimillada iyo dabeylo ba’an oo jira awgeed.

U Gaar ah Goobjoog News