U bood dhigaalka

Faahfaahin Dheeraad ah oo Laga Helayo Aabe Ilmihiisa Ku Dilay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa Aabe subaxnimadii saakay ilmo uu dhalay ku dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dilka uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Israac ee Waqooyiga magaalada, dilka ilmaha ayaa waxaa loo adeegsaday Tooreey, sida Goobjoog News uu u sheegay qof degan  xaafadda.

” Wiilasha sida xogta nagu soo gaartay, saakay waxaan maqalnay in gacanta aabahood ay sababsadeen, Aabahaas oo lagu sheegay Aabe miyirkiisu aan taam aheyn oo maandooriye iyo wax lamida ah uu isticmaalay, Ilmaha maamo ayeeyadood ah ayaa haysatay uu kasoo waday sidaas ayuu ku gowracay” ayuu yiri qof  la hadlay Goobjoog News

Da’dooda ayaa lagu sheegay laba caruur 8 jir iyo 7 jir, waxaana magacayadooda lagu sheegay Sakariye Axmed Cali iyo iyo Idiris Axmed Cali, waxaa ay la noolaayeen ayeeyadood, waxaa sidoo kale dadka deegaanka  ay inoo sheegeen in reerku ahaa mid ladan oo ay jirin duruufo nololeed oo haystay sababna u noqon kartay.

Dadka xaafadda ee  la dariska ah ayaa sheegay in ay aad uga naxeen falka uu geystay Aabe Axmed Cali ee uu ku gowracay labada wiil  uu isagau dhalay, waxaana ay intaas ku dareen in ilmaha hooyadii dhashay oo lagu magacaabo Ubax Cali, Aabaha iyo Hooyada ayaa kala tagay muddo hore.

Aabaha ayaa la sheegay in Ilmaha uu kasoo kaxeeyay xaafad ay joogeen oo ay daganeyn Ayeeyadood  waxaana uu u sheegay inuu Ilmaha u kaxaynayo dalxiis, kadib sidaas uu ku gowracay, waxaana la ogeyn sababta ka dambaysay inuu dilo ilmihiisa, marka laga soo tago in la sheegay inuu cabay Maandooriye.

Ciidamada Booliiska oo goobta gaaray ayaa gacanta ku dhigay  Aabe Axmed Cali, waxaana la geeyay xabsiga, dhacdadaan ayaa noqtay mid maanta siweyn looga dareemay xaafadda israac ee magaalada Gaalkacyo, lamana oga sababta ku kaliftay Axmed Cali inuu gowraco ilmaha uu isagu dhalay.

Goobjoog News