U bood dhigaalka

Faahfaahin: Dil Ka Dhacay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Warar iminka ka soo gaaraya Goobjoog News magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil halkaas ka geysatay.

Dilka ayaa ka dhacay degaan duleedka kaga yaalla magaalada oo magaciisa lagu sheegay Baardheere, waxaana lagu dilay nin oday ah oo halkaas laga yaqaanay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninkani odayga ah uu ku sii jeeday degaan kale oo isla gobolka Hiiraan ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baladweyne wali wax faahfaahin ah kama aynaan bixin.

Xalay ayay ahayd markii gudaha magaalada Baladweyne ay dableey hubeeysan ay ku toogatay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalkla Soomaaliya.

Goobjoog News