U bood dhigaalka

Faahfaahin: In Ka Badan 10 Ruux oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in in ka badan 10 ruux ay ku geeriyooden qarax saakay arroortii ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole waxaana xogta qaraxaasi ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay  ay haleeshay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah kuwaas oo ku sii jeeday degmada Wanwalweyn ee gobalka Shabeellaha hoose.

Gaariga oo dhamaantiis gubtay ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan inay ka badbaadeen saddex qof oo kaliya, ilaa iyo haddana ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga helay dadka dhintay waxa ay ahaayeen marka laga tago inay dad shacab ah oo waddadaasi isticmaalayay ahaayeen.

Maamulka deegaanka Lafoole oo aan xiriir la sameynay si aan wax uga weyddino dhacdadaas xanuunka badan aya a diiday inay faahfaahin inaga siiyaan sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay falkaasi ay ku nafwaayeen in ka badan 10 ruux.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas balse Al shabaab ayaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye qaraxyo miino waxa ay kula eegtaan ciidanka dowladda ee halkaasi isaga kala goosha, waxaana sidoo kale wali jirin masuuliyiin dhacdadaasi ka hadashay.

Goobjoog News