U bood dhigaalka

Faahfaahin: in Ka Badan 10 Ruux oo Ku Geeriyootay Shil Gaari oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo xalay ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed sida laga soo xigtay maamulka degmada uu shilku ka dhacay.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari nuuca xamuulka qaada ah kana yimid dhinaca isgoyska Bakaaraha uu soo fariin goostay isaga oo uu ku yimid kaalin shidaal ka dibna waxa uu cagta sii marshay gaadiidka bajaajka loo yaqaan oo tubnaa isgoyska Howlwadaag ee gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre oo gaaray halka ay mashaqadu ka dhacday ayaa wariyayaasha u sheegay in in ka badan 10 ruux ay shilkaasi ku geeriyoodeen halka tira kalane ay ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale guddoomiyaha uu sheegay in gaariga shilka geystay uusan wadin darawal balse uu waday caawiyaha darwalka.

Waxaa halkaasi laga soo saaray dad uu dul maray gaariga dhibka geystay waxaana sidoo kale la soo warinayaa in tirade dhimashada ay intaas ka badan tahay maadaama ay jiraan dad geeriyooday intii loo sii waday cisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Shilalka mararka qaar ka dhaca caasimadda dal ayaa waxaa loo aaneeyaa darawallada qaar oo aan lahayn khibrad ku filan iyo gaadiidka sida xawliga ah loo saaro shixnadaha kala duwan.

Goobjoog News