U bood dhigaalka

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Galbeedka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku dhimatay dagaalka oo mid kamid ah ay tahay haweeney halka in ka badan 10 ruuxna ay ku dhaawacmeen oo kala ah labada dhinac ee dagaallamayay ee Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkani oo saaka ka qarxay dhanka galbeed ee magaalada Gaalkacyo ayaa sabab u ahaa muranka dhul ku yaalla dhanka galbeed ee duleedka Gaalkacyo. Waxaana deggan xaaladda magaalada Gaalkacyo oo rasaasta goosgooska ah laga maqlayo.

Dhulkani oo maalin dhoweyd murankiisa laga heshiiyay ayaa haddana dib u soo rogaal celiyay kadib markii Puntland ay isku dayday in saldhigga ciidan ee Galmudug meel aan wax badan u jirin ay damacday inay ka dhisto saldhig kale.

Dagaalka xooggiisa ayaa wuxuu ka soconayaa dhul baadiye ah oo ka baxsan magaalada oo dhanka galbeed Gaalkacyo xiga.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Goobjoog News ka heleyso magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaaladdu hadda ay tahay mid deggan oo mararka qaar la maqlayo oo kaliya rasaas ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Ciidamada dagaallamaya oo kala taabacsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa illaa iyo iminka wax war ah ka soo saarin dagaalkooda dib uga qarxay galbeed Gaalkacyo.

Baabuurta dagaalka oo labada dhinac ay wataan ayaa qeyb ka ah dagaalkani ka soo cusboonaaday dhanka galbeed ee Gaalkacyo.

Isbitaalka Koonfureed ee maagalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinay in la gaarsiiyay dhaawacyada illaa 2 askari halka dhaawacyada kalena loo qaaday dhanka waqooyi ee Gaalkacyo.

Dadka shacabka ah ee Gaalkacyo ayaa arrintani baqdin ka muujinaya oo ka xun colaadda dib uga soo cusboonaatay duleedka magaalada inkastoo xaaladda magaaladu ay tahay mid deggan.

Goobjoog News