U bood dhigaalka

Faahfaahin ku saabsan qodobada ay ku heshiiyeen dowladda iyo maamulka Puntland (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Heshiiska maanta oo talaado ah Garoowe ay ku kala saxiixdeen dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland oo ka kooban 12 qodob ayaa lagu tilmaamay in uu noqonayo mid soo af jara mad madowgii ka dhex jiray labada dhinac.

Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka mudane Ducaale Aadan oo madasha ka aqriyay qodobada lagu heshiiyay ayaa xusay in maalin wayn ay u tahay dowladda iyo maamul goboleedka Puntland oo heshiis ku kala saxiixday xarunta maamulka Puntland.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:

1-In maamulka loo sameynayo gobollada dhexe uusan saameyn doonin deegaanada maamulka Puntland

2-In Puntland ay u madax bannaantahay heshiisyada ay galeyso iyada oo la raacayo heshiiskii hore u dhex maray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole

3-In la aqoonsado shahaadooyinka dugsiyada sare ee maamulka Puntland

4- In ciidan qaran la meeyo sida uu dhigayo heshiiskii ay horay u wada galleen madaxwaynihii hore PL Farole iyo RW.hore Saacid shirdoon.

5-In Puntland laga saaro ka mid noqoshada wada hadalka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland.

6- In si cadaalad ah loo qeybiyo deeqaha caalamka.

Hoos ka dhageyso codka wasiir Ducaale oo qodobada oo dhameystiran sharaxaya: