U bood dhigaalka

Faahfaahin Ku Saabsan Safarka Madaxweynaha Ee B/weyn

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta booqday deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada B/weyn ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku barakaceen dad gaaraya ku dhowaad boqol kun oo qof.

Madaxweynaha ayaa dadkan weydiiyay in ay heleen gargaar waxayna u sheegeen in aysan weli helin wax caawimaad ah waxaa uuna ballanqaaday in si degdeg ah lagu soo gaarsiin doono gurmad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo wareegay qaar ka mid ah xaafadaha B/weyn oo ay qaadeen Fatahaadda Webiga Shabelle isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dadka lala soo gaaro gurmad degdeg ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaaday in ay dhisi doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada B/weyn.

Goobjoog News