U bood dhigaalka

Faahfaahin: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Sida ay u xaqiijiyeen Goobjoog News dadka degaanka Ex-control Afgooye ee magaaladani Muqdisho waxaa ka dhacay qarax lagu xiray baabuur.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca raaxadda ah, oo uu watay Sarkaal katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Gaariga ayaa qarxay xilli uu sarkaalka ku sii jeeday degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Waxaa la soo sheegayaa inuu ka soo gaaray dhaawac islamarkaana loo qaaday xarun caafimaad si loo dabiibo.

Hay’adaha amniga ee xukuumadda federaalka weli wax war ah kama aynaan soo saarin qaraxaasi.

Shalay ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray xarunta maamulka degmada Howlwadaag uu ka dhashay khasaare kale duwan.

Xarakada Alshabaab ayaa wali magaaladani ka fulinaysa weerarro isugu jira kuwa toos ah, qaraxyo iyo dilal, inkastoo xukuumadda federaalka ay dhowr jeer ku celcelisay in ay gacan bir ah ku qabanayso ammaanka caasimadda.

Goobjoog News