U bood dhigaalka

Faahfaahin Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Baydhabo

Sheeko:Amniga

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo  ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday wasiirkii wasaaradda cadaaladda maamulkaas Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur oo ku geeriyooday qaraxa.

Wasiirka ayaa waxaa la sheegay inuu qaraxa la kulmay kadib salaaddii Jimcaha, waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxa dhaawac uu kasoo gaaray wiil uu dhalay oo la socday marxuumka, kaas oo la sheegayo inuu aad u daran ayahay, in ka badan  10 qof oo kale oo shacab iyo ciidan isugu jira, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud is loogu dabiibo.

Dadka yaqaanay wasiirka maanta la dilay ayaa waxaa ay sheegeen inuu door weyn kasoo qaatay dib u heshiisiinta bulshada reer Koonfur Galbeed, ka hor inta aan loo magacaabin wasiirka, geeridiisa ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo dhowaan  qarax lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka ee gobolka Shabeellada hoose  Cabdullaahi Waafoow.

Goobjoog News