U bood dhigaalka

Faahfaahin Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Tukaraq

Sheeko:Dalka

Dagaalkii u dhaxeeyay Puntland iyo Somaliland ee Maanta ka dhacay degaanka Tuka-raq ee gobolka Sool ayaa istaagay caawa Maqribadii .

Dagaalka ayaa sababay Khasaaro is kugu jira dhimasho iyo dhaawac wuxuuna u istaagay Iskiis iyada oo aan jirin cid soo kala dhexgashay dhinacyadii dagaalamayay.

Wararka Caawa laga helayo Tuka-raq ayaa waxay sheegayaan in weli labada dhinac ay isku horfadhiyaan Jiidda hore ee magaalada Tuka-raq,halkaasi oo ay ka dhaceen maanta isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Dadka deegaanka ee Tuka-raq ayaa iskaga baxay magaalada iyaga oo u qaxay deegaannada u dhow dhow Tuka-raq.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhawaac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii uu u dhaxeeyay dagaalka, wararka laga helayo Caawa ayaa waxay tilmaamayaan in khasaarah soo gaaray ciidamada Puntland ay gaareyso 17 askari oo dhimasho ah iyo dhaawaca in ka badan 20 kale, halka dhanka Somaliland la sheegay in ay uga dhinteen dagaalka ugu yaraan 20 askari.

Dhinacyada isku hayo Tuk-raq midba waxaa uu sheeganayaa in isaga uu ku gacan sarreeyo dagaalka, waxayna sheegteen Puntland in ay gacanta ku hayaan magaalada Somaliland ayaa iyaduna dhankeeda waxay sheegeysaa inay Tuka-raq ay gacanteeda ay ku jirto.

Ma jirto ilaa iyo hadda ilo wareedyo ka madax-banaan sheegashada labada dhinac.

Goobjoog News