U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarka Lagu Qaaday Hotel Xayaat iyo Howlgal Ka Socda

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ku bilowday qaraxyo oo  habeennimadii xalay  lagu qaaday Hotelka lagu  magacaabo  Xayaat oo ku yaalla isgoyska KM4  ee  degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii rag hubeysan gudaha ay galeen, kuwaas oo ilaa iyo xalay ka dhex dagaalamaya gudihiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda gudaha u gashay hotelka ay garayaan 5 qof, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo barahooda ku sheegay in koox ka tirsan ay galeen Hotelka ayna toogasho ka dhex wadaan, wali iyaga iyo ciidanka dowladda ayaa dagaalamaya.

Ciidanka Booliiska gaarka u tababaran ee loo yaqaanno Haramcad iyo Gaashaan oo ka tirsan Kumaandooska dowladda ayaa ka qeyb qaadanaayo howlgalka lagu soo afjaro weerarka ka socda gudaha hotelka Xayaat, oo weli laga maqlaayo  Rasaas aad u xoogan,  iyaga oo soo badb aadiyay dad badan oo ku jiray gudaha.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa weli wada gurmadka ay u fidinayaan dadka wax ku noqday weerarka , Shacab badan oo  ayaa ilaa iyo xalay ku sugan Isbitaallada Digfeer iyo Madiina, kuwaas oo baadi goobaya eladooda , waxaana uu hotel wali ku go’doonsan qaar kamid ah dadkii qaraxa uu ku qabsaday xalay.

Waxaan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhab ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aan la tagi karin goobta oo wali uu ka socdo dagaal, hotelka ayaa inta badan waxaa uu geed fadhi u ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka iyo dad shacab ah, waxaana la ogeyn goorta ciidanku ay soo afjaraan howlgalka.

Weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ayaa waxaa uu bilowday habeenkii xalay Maqribadii, waxaana uu ku bilowday 4 qarax oo mid kamid ah uu ahaa gaari lagu dhuftay albaabka laga galo hotelka, waxaana xigay in koox hubeysan ay galaan gudaha iyagoo ilaa iyo waabarigii salaadda Subax ka dagaalamaya.

Lasoco wixii soo kordha

Goobjoog News