U bood dhigaalka

Faahfaahin Weerarkii Ka Dhacay Xalane

Sheeko:Dalka

Xarunta xalaneFaahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar maanta rag hubeysan ay ku qaadeen xarunta midoowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee Xalane.

Dublamaasi reer galbeed ah oo ka warhaya xaaladda ayaa wakaaladaha wararka u sheegey in illaa inta u dhaxeysa 15 illaa 20 nin oo hubeysan ay gudaha u galeen Xalane.

Afayeen u hadlay Alshabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Muscab ayaa sheegtey mas’uuliyadda weerarka, wuxuuna sheegey in bartilmaameedka uu ahaa xaflad loogu dabaaldagayay maalinta ciidda masiixiyiinta ee Kirismaska. Wuxuu intaasi ku daray in ay askar ku laayeen gudaha Xalane.

Laakiin afayeenka AMISOM Col. Cali Xaamud ayaa beeniyey warkaasi, wuxuuna sheegey in uusan jirin hal askari oo ay waxyeelo kasoo gaartey weerarka.

Sidoo kale afayeenka qaramada midoobey ee Soomaali Caalim Sadiiqu ayaa sheegey in shaqaalaha Qaramada Midoobey oo dhan ay bad qabaan.

Warar aanan la hubin ayaa jira oo ka hadlaya in gaari aysan rasaastu karin oo mas’uul dowladeed lahaa ay gudaha ku galeen ragga hubeysan, balse wali ma xaqiijin karno warkaasi

Goobjoog News