U bood dhigaalka

Faahfaahinno dheeraad Oo Ka Soo Baxaya Dagaal Al-shabab iyo Ciidamada Puntland Ku Dhexmaraya Gobalka Bari

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal tan iyo saaka ciidamada Puntland iyo ururka al-shabaab ku dhexmaraya deegaanka Af-urur ee hoostaga gobalka Bari.

Inta la xaqiijiyay saddex askari iyo hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowlad gobaleedka Puntland ayaa ku dhintay dagaalka.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa dhankooda sheegay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab ee weerarka ku soo qaaday deegaanka Af-urur ee gobalka Bari.

Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu weli ka socdo deegaanka, kuwaas oo labada dhinac ay isku adeeg sanayaan hub culus.

Goobjoog News