U bood dhigaalka

Faahfaahinno Ka So Baxayo Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabab Ku Dhex Maray G.Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal shalay gabal dhicii iilla fiidnimadii hore ee xalay ka dhacay magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda guutada 14 October iyo xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa yimid kadib markii saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin gudaha magaalada Marka ay weerar ku soo qaadeen Al-shabaab.

Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka,Taliyaha 14ka Octobar Abdirahmaan muunye” oo la hadlay Goobjoog  ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen jabna ay gaarsiiyeen kooxahii weerarka soo qaaday.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan weerar o ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjoog News