U bood dhigaalka

Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Askari Wiil Dhalinyaro Ahaa Ku Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa dil xalay askari ka tirsan ciidanka dowladda uu degmada Wadajir ugu geystay wiil dhalinyaro ahaa kaas oo xilliga la dilayay u socday masaajid uu ku soo dukanayay  salaadda tahajudka.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamed Yuusuf oo 16 jir ahaa waxaana dilkiisa uu yimid ka dib markii uu shakiyay askariga sida uu sheegtay waxaan sidaa Goobjoog News u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada marxuumka oo diiday inaan magacooda baahinno.

Wararka aan dhacdadaas ka helnay ayaa sidoo kale sheegaya in uu baxsaday askariga dilka geystay halka ay qaadeen askar kale isaga oo dhaawac ah kadibna uu isbitaalka Madiina ku geeriyooday.

Wali ma jirto masuuliyiin ka tirsan laamaha amaanka dowladda oo ka hadlayay dhacdadan, balse ciidanka dowladda ayaa gudaha magaalada Muqdisho dilal kala duwan u geysta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Goobjoog News