Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Ganacsade Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Waxaa warar dheeraada laga helayaa nin ganacsade ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho iyadoo dilka shaqsigaasi ay fuliyeen kooxo hubeysnaa.

Dilka marxuumka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan waxaana sababta ka dambeysay dilkiisa ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka qaar ay sheegaya in marxuumka loo dilay taleefankiisa gacanta oo kooxda dilka u geysatay ay doonayeen inay ka dhacaan balse uu isagu ka dhaga adeegay sidaasi loo dilay balse lama xaqiijin karo sababta dhabta ah ee ka dambeysay dikiisa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Naaleeye waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ay fiicnayd dilalka qorsheysan iyo qaraxyada balse haatan ayaad moodaa in falalkaasi ay dib ugu soo badanayaan caasimada dalka.

Goobjoog News

Related Articles

7 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW