U bood dhigaalka

Faahfaahinno ka soo baxayo dab xalay ka kacay suuqa Bakaaro

Sheeko:Amniga

Maamulka gobalka banaadir iyo qaar kamid ah shacabka caasimadda Muqdisho ayaa ku guulaystay in ay damiyaan dab xooggan oo xalay ka kacay suuqa Bakaaraha.

Dabka ayaa ka kacay agagaarka qaybta lagu iibiyo dahabka, waxaana uu ku faafay dabka qaybaha kale ee ka agdhawaa goobta uu dabka ka bilaabmay.

Dabsamiska maamulka gobalka banaadir ayaa kadib saacado oo uu dabka socday markii dambe ku guulaystay in ay damiyaan dabka.

Taliyaha qaybta booliiska gobalka Banaadir G/le sare Mahdi Cumar Mumin, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir Yabooh iyo maamulka gobalka ayaa qayb ka ahaa gurmad lagu daminayay dabka xalay ka kacay suuqa wayn ee bakaaraha.

Khasaaro hantiyadeed oo aad u badan ayaa ka dhashay dabka qabsaday suuqa, waxaana ku burburay hanti aad u badan taas oo suuqa taallay.

Sikastaba dabka ka kaca suuqa bakaaro ayaa sanadihii dambe noqday mid soo noqnoqday, waxaana ay ahayd dhawaan markii uu dab noocan ah uu ka kacay suuqa.

Goobjoog News