U bood dhigaalka

Faahfaahinno ka soo baxayo dagaal ka socdo gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka  Ceel-Macaan ee hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi, ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saaka uu ka qarxay deegaanka dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo ururka alshabaab.

Deegaanka  Ceel-Macaan, waxaa maalinninadii shalay ahayd la wareegay ciidamada macwisleeyda, waxaana wararka ay sheegayaan in uu jiro khasaaro kale duwan oo dagaalka ka dhashay.

Dagaal ciidamada ayaa la soo warinayaa in uu illaa iyo hadda ka socdo deegaanka  Ceel-Macaan, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada ay wadaan iska caabin.

Deegaannada hoostaga gobalka hiiraan iyo gobalada kale ee dalka intooda badan ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday dagaal ka dhan ah ururka alshabaab.

Goobjoog News