U bood dhigaalka

Faahfaahinno ka soo baxayo duqayn ka dhacday gobalka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka shabeellada hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada maraykanka ay ka fuliyeen duqayn diyaaradeed oo lala beegsaday fariismo ay ururka al-shabaab ay ku lahaayeen degmada Tooratoorow.

Qaarkamid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in duqaynta oo dhacday xallay xilli dambe lagu burburiyay fariisimo ay ururka alshabaab ku lahaayeen degmada Tooratoorow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqaynta ay shabeellada hoose ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka oo kaa shanaya kuwa AFRICOM.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa dhankooda wax war ah aanan ka soo saarin duqaynta ay ka geeysteen degmada Tooratoorow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjoog News